In ka badan 3000 oo qof oo Nairobi looga baaray Covid-19

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xaafadda Islii xili laga baarayay Coronavirus

Barnaamij uu hor kacaya maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada Nairobi ee NMS ayaa waxaa cudurka covid-19 looga baaray ugu yaraan 3,000 qof.
Arbacadii hore ayay ahayd markii la daahfuray baaritaan wadareedka oo la qorsheeyay inuu socdo 11 cisho.
Barnaamijkan oo maanta galaya maalinkii toddobaad ayaa waxaa ilaa iyo hadda ka faaiiday 3,144 qof.
Sarkaal sare oo maamulka NMS u qaabilsan dhanka caafimaadka Dr.Ouma Oluga ayaa sheegay in arrin loo riyaaqo ay tahay qaabka ay dadweynaha Nairobi ugu soo baxeen baaritaannada.
Dr. Oluga ayaa intaa ku daray inay qorsheynayaan in maalin kasta cudurka covid-19 ee dalka iyo dunidaba saameeyay laga baaro 1,000 qof.
Mas’uulkan ayaa sheegay in maalinkii Arbacada ee la soo dhaafay oo keliya 703 qof lagu baaray xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji.
427 kale waxay iska xaadiriyeen goobaha baaritaanka ee deegaannada Dagoretti iyo bariga Embakasi.
Baaritaannada la xiriira cudurka covid-19 ayaa 31-da bishan lagu soo gabagabeynayaa dugsiga sare ee Maina Wanjigi ee deegaanka Kamukunji.
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay shacabka ugu baaqday inay cudurka iska baaraan si bulshada loo badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here