In ka badan 3000 oo qof oo sannadkan ku dhimatay shilalka waddooyinka dalka

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in shilal sannadlkan gudihiisa ka dhacay wadanka ay galaafteen nolosha ugu yaraan 3,114 qof.
Tiradan ayaa boqolkiiba 5.8 korortay marka loo barbardhigo sannadkii hore oo ay ahayd 2,942 .
Saameynta ugu badan ee shilalka waxay soo gaartay dadka lugeynaya ee waddooyinka gudbo oo tirada dhimatay lagu sheegay 1,108, waxaa soo raaca wadayaasha mootooyinka iyo baskillada oo ay 2020-ka shilal kaga dhinteen 884.
Dhibaatada shilalka waddooyinka ka soo gaartay mootooleyda ayaa sare u kacday boqolkiiba 48.
424 qof oo rakaab ah iyo 275 darawaliin ah ayay shilalkan noloshooda galaafteen.
Maamulka NTSA ayaa kiisaska shilalka ee kordhay u aaneeyay gaadiidka oo lagu kaxeeyo si xowli ah , isticmaalka daroogada iyo wadayaasha qaar oo isku dayo in ay baabuurta kale ka hor maraan.
NTSA ayaa sheegtay in si loo yareeyo shilalka waddooyinka 429 oo ka mid ah waaxyaha dowladda ay soo saareen xeerar kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here