In ka badan 3000 oo qof oo sannadkan shilal ugu dhintay gudaha dalka

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa ugu yaraan 3,000 oo qof ay naftooda shilal ku waayeen.
Waxay sido kale dhaawacyo kala duwan soo gaareen in ka badan 10,000 oo dheeraad ah.
NTSA ayaa shaaca ka qaadday in laga soo billaabo 1-dii bishii koowaad ee sannadkan ilaa 1-dii bishan Disembar ay dhinteen 3,225 halka ay dhaawacmeen 10,825.
Sannad ka hor tirada dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay shilalka waddooyinka dalka ayaa lagu kala sheegay 2,827 iyo 8,954 qof.
Maamulka qaran ee gaadiidka oo warbixin cusub soo saaray ayaa intaasi ku daray in 1,247 oo ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo wadada gudbayay ama hareeraheeda socday, 660 oo ah wadayaasha mootooyinka iyo 644 oo rakaab ah.
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen 6,183 oo qof halka 4,642 kalena aynan xaaladdooda aad u liidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here