In ka badan 350,000 qof oo sannadkan ku barakacay Afghanistan

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha bani’aadanimo ee OCHA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 350,000 qof oo ka mid ah shacabka wadanka Afghanistan ay sannadkan gudihiisa ka barakaceen guriyahooda.
Waxyaabahan ayaa la diiwaangeliyay tan iyo koowdii bishii koobaad ee sannadkan.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 31 ka mid ah 34-ta gobol ee dalkaasi ay ku barakaceen 354,664 oo qof.
Sannadkii hore tiradan ayaa lagu sheegay 310,000 ruux.
Barakaca ugu badan ayaa laga soo tabiyay gobolka waqooyi bari ee Afghanistan waxaana lagu sheegay in ka badan 160,000 qof.
Waxaa soo raaca gobolka bari oo ah 68,000, waqooyiga,60,000 iyo galbeedka 29,900.
Dhibaatooyinkan ayaa loo aaneeyay isku dhacyada u dhexeya ciidamada ammaanka ee dalka Afghanistan iyo dagaalyahaanada kooxda isku sheegta dowladda islaamiga ee ISIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here