In ka badan 361 qof oo u dhimatay caabuqa Corona ee Shiinaha

Ugu yaraan 361 qof ayaa ilaa iyo hadda uu noloshoodu galaaftay firuusiga Coronavirus ee ka dillaacay wadanka Shiinaha.
Filibiin ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Shiinaha ee laga soo tabiyo dhimasho cudur sidahan la xiriirta.
Guddiga qaran ee caafimaadka dalka Shiinaha ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in la diiwaangeliyay 57 oo ah dhimasho hor leh.
56 ka mid ah waxaa ay ka dhaceen gobolka Hubei oo in ka badan dowladda Shiinaha ay mamnuucday in la galo ama laga soo baxo.
Kiisaska guud ee Shiinaha laga soo sheegay ayaa gaaraya 17,205 waxaana la xaqiijiyay 2,829 oo ah kiisas cusub.
Shiinaha ayaa 27 ka mid ah isbitaallada magaalada ugu tala gashay in lagula tacaalo caabuqa coronavirus sida maanta uu qoray wargeyska Global Times.
In ka badan 12,000 oo sariiraha isbitaalka ayaa loo diyaariyay bukaannada uu firuusigan saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here