In ka badan 370 qof oo lagu dhaawacay Beirut

Isku dhacyo saacado qaatay oo dhex maray ciidamada ammaanka ee dalka Lubnaan gaar ahaan magaalada Beirut iyo dibadbaxayaal ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen ugu yaraan 370 qof.
Waa tiradii ugu badneyd ee ku dhaawacanta mudaaharaadyo bishii Tobnaad ee sannadkii hore ka billowday wadankaas.
Hay’adda laanqeerta cas laanteeda Lubnaan ayaa sheegtay inay daaweysay 220 qof.
Waaxda difaaca muwaadiniinta ee The Civil Defense ayaa sheegtay inay gurmadka degdegga ah u fidiyeen 114 kale oo dheeraad ah.
Waaxda arrimaha gudaha ayaa dhankeeda sheegtay in la dhaawacay 142 boolis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here