In ka badan 40 qof oo ku dhimatay dalka Cameroon

Ugu yaraan 42 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen wadanka Cameroon oo roobab culus oo ka da’ay kaddib dhul go’o laga soo tabiyay. Warbaahinta dowladda ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in dhul go’a uu abaare 9-kii fiidnimo ee xalay saameeyay magaalada galbeed ee Bafoussam.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in ugu yaraan 30 qof weli la la’yahay.
Ugu yaraan 70 kale oo dheeraad ah ayay dhaawacyo soo gaareen waxayna xaaladdooda liidataa 6 ka mid ah.
Ilaa 20 guriyo ah ayaa burburay waxaana hadda magaaladaasi ka socdo howlaha badbaadinta.
Madaxweynaha Cameroon ,Paul Biya ayaa tacsi u diray qoysaska ay dadkooda dhibaatadaasi ku nafwaayeen.
Waxaa halka ay musiibadan ka dhacday gaaray wasiirka maamulada hoose ee Cameroon Georges Elanga .
Mr. Elanga ayaa xusay in 25,000,000 oo ah lacagta dalkaasi una dhiganta ilaa 4 milyan oo shilin in lagu taageerayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here