In ka badan 40 qof oo ku dhintay diyaarad dab ku qabsaday dalka Ruushka

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay dalka Ruushka kaddib markii diyaarad uu dab qabsaday xilli ay hawada gashay ka hor inta aysan si deg deg ah u caga dhigan Garoonka diyaaradaha Sheremetyevo ee magaalada Moscow.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ay ku wada xariirto ayaa muujinaya rakaabka diyaaradda oo isticmaalayey qalabka loogu tala galay in ay adeegsadaan xiliga ay dhacaan xaaladaha deg deg ah
Qof goob jooga ahaa ayaa arrintaan ku tilmaamay mid mucjiso ah, diyaaradda uu dabku qabsaday waxaa saarnaa 78 qof oo isugu jiro 73 rakaab iyo 5 shaqaale.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa dhaliyay dabka qabsaday diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here