In ka badan 40 qof oo lagu dilay Brazil

Ugu yaraan 40 qof maxaabiis oo la ceejiyay ayaa ku dhimatay dalka Brazil.
Dadkan ayaa ku jiray afar xabsi oo ku yaalla magaalada Manaus.
Arrintan ayaa timid hal maalin un kaddib markii 15 qof ay ku dhinteen isku dhacyo u dhexeyay maxaabiis iska soo horyimid.
Ciidamada xoogga dalkaasi ayaa loo diray magaalada Manaus oo ah meesha ay rabshaddu ka dhacday si ay u joojiyaan rabshadaha.
Isku dhacyada xabsiyada dalka Brazil ayaa muddoyinkii dambe soo badanayo xili burcadda daroogada isticmaasha ay gacanta ku haayaan qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi
Bishi janaayo 2017-kii, qiyaastii 150 maxaabiis ayaa ku dhimatay saddex todobaad oo rabshado ka socday woqooyiga iyo woqooyiga bari ee dalka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here