in ka badan 400 oo qof oo manata ka caafimaaday COVID 19 Dalka

143 qof oo kale ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’ ee dalkani Kenya kadib markii la baaray 3,854 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay, aysida uu sheegay Xoghayaha Maamulka ee Caafimaadka Rashid Aman. Tani waxay ka dhigeysaa kiisaska guud ee dalka 35,603.
Magaalada Nairobi ayaa wali ugu sareeya tirada kiisaska dalka 35 kiis oo cusub ayaa maanta laga xaqiijiyay halka Kitui laga diiwangaliyay 23.
Dr Aman ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 490 bukaan oo kale ay ka bogsadeen cudurka, taasoo wadarta guud ee ka soo kabashada dalka ay ka dhigeysa 22,047.
Shan bukaan oo kale ayaa u dhintay cudurka, taasoo kor u qaadaysa tirada dhimashada Kenya ee Covid-19 iyadoona oo gaareysa 612.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here