In ka badan 4,000 oo arday oo aan weli ku biirin dugsiga sare

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in qorshaha maamulka talada haya ee Jubilee ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare uu hadda maraya qiyaastii boqolkiiba 99.8.
Magoha ayaa xusay in ardaydii sannadkii hore u fariistay imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee KCPE-da ay boqolkiiba 99.1 ku biireen fasalka koobaad ee dugsiyada sare ee wadanka.
Dhanka kale wasiirka tacliinta ee wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in arday tiro ahaan gaaraya 4,811 aynan weli iska xaadirin dugsiyada sare.
Sannadkii 2019-kii imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da waxaa sameeysay arday dhan 1,083,456
Prof. Magoha ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda dhexe ay bixinayso lacag dhan 8.2 bilyan oo shilinka dalka ah si loo horumariyo kaabayaasha dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here