In ka badan 43 qof oo ku dhimatay India

Dab ka kacay warshad ku taalla magaalada New Delhi ee dalka India ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.
Saraakiisha dowladda wadankaas ayaa laga soo xigtay in warshadda ay ku taallo dhisme ka kooban 6 dabaq.
Waxaa uu dabku qabsaday xilli ay jiifeen qaar ka mid ah shaqaalaha warshadda oo soo saarta waxyaabo ay ka mid yihiin boorsooyinka gacanta ee haweenka.
Ilaa iyo hada ma cadda sababta rasmiga ee keentay in dabka uu halkaasi ka kaco in kastoo ay baaritaano socdaan.
Mid ka mid ah saraakiisha waaxda dab damiska ee India oo lagu magacaabo Atul Garg ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 50 qof oo badankoodu uu qiiq saameeyay la soo badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here