In ka badan 5 qof oo ku dhimatay dalka New Zealand

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka New Zealand oo ay maanta folkaano saameysay.
Tiro kale oo dad ah ayaa la rumeysan yahay inay weli ku xayiran yihiin jasiiradda White Island oo arrimaha dalxiiska caan ku ah.
Waxay wararku intaas ku darayaan in la hakiyay howlaha samata bixinta maadaama cimilladu aynan wanaagsaneyn.
Guddoomiye ku xigeenka booliska ,John Tims ayaa laga soo xigtay in sido kale la la’yahay tiro ah laba jibaar inta dhimatay in kastoo uunan tiro rasmi ah shaacin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here