In ka badan 5 qof oo ku dhimatay dibadbax ka dhacay India

Wararka naga soo gaaraya dalka India ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen dibadbax shalay ka dhacay magaalada New Delhi .
Sarkaal sare oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay sido kale dhaawacmeen ilaa 90 qof.
Dr Rajesh Kalra oo ah madaxa isbitaalka Guru Teg Bahadur ayaa laga soo xigtay in dhaawaca qaar ay ahaayeen kuwo la toogtay.
Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada booliska iyo dibadbaxayaasha oo ay ku kala ceyriyeen sunta dadka ka ilimeysiisa in kastoo laamaha ammaanka sido kale lagu eedeynaya inay rasaas adeegsadeen.
Dibaxbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeedo sharciga la xiriira jinsiyadda ee muranka dhaliyay.
Waxaa uu xeerkan dhigayaa in jinsiyadda India la siin karo shakhsiyaadka diin ahaan laga tira badan yahay ee ku nool wadamada xukuumadda New Delhi dariska la ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here