In ka badan 5 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen weerar loo adeegsaday mid ka mid ah baabuurta xamuulka .
Gaariga oo bambooyin laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay meel u dhow maxkamad militari oo ku taalla magaalada dhacda bariga wadankaas ee Gardez .
Afhayeenka kooxda Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in Taalibaan ayaa fulisay qaraxaas.
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa laba maalmood un kaddib markii ugu yaraan 56 qof lagu dilay weeraro laga gaystay qeybaha kale ee dalka Afghanistan.
Weerarka iyo khasaaraha ka dhashay waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaas Tariq Arian oo xusay inuu sido kale dhaawac jiro.
Madaxweynaha dalkaas Ashraf Ghani ayaa weerarka cambaareeyay wuxuuna amray howlgal militari oo ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here