In ka badan 5 qof oo lagu dilay Congo

Wararka naga soo gaaraya jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay halkaasi ku dhinteen.
Dhimashadan ayaa ka dhalatay dibadbaxyo wadankaas ka dhacay.
Mudaaharaadyada ayaa laga soo tabiyay dhinaca bari ee DRC.
Shacabka ku nool magaalada Beni ayaa howlgalka nabadsugidda ee qaramada midoobay ee MONUSCO ku eedeynaya inuu ku guul darreystay ka hor tagga weeraro ay soo qaadaan kooxo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here