In ka badan 5 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Afganistaan

Weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaflad aroos ah oo ka dhacaysay gobolka bariga ee Nangarhar wadanka Afganistan ayaa waxaa lagu dilay in kabadan 5 qof sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi.
Afhayeenka gobolka Nangarhar Atahullah Khogyani ayaa sheegay in 40 ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Khogyani ayaa sido kale sheegay in dadkii kale ku dhaawacmay weerarka ismiidaaminta ah loola cararay isbitaalka si xaaladooda caafimaad loolatacaalo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay suurtagltahay in weerarkaasi ay ku dhinteen 10 qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here