In ka badan 50 ka mid ah gaadiidleyda mataatuuda oo lagu qabtay howlgallo la sameeyay

Howlgallo ay ciidamada taraafikada iyo kuwa maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ay ka sameeyeen wadada isku xirta degmada Madoogo iyo magaalada Garissa ayaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah wadayaasha mataatuuda.
Ugu yaraan 50 ka mid ah gaadiidleyda ayaa xabsiyada loo taxaabay.
Waxaa loo haystaa dembiyo ay ka mid yihiin inaynan sidan dokumeentiyada caymiska iyo kuwo kale oo muhiim ah.
Shakhsiyaadkan oo hadda baaritaano lagu sameynaya ayaa la filayaa in maxkamadda la soo taago si dacwado loogu soo oogo.
Howlgallada ayaa sababay hakad ku yimid adeegyada gaadiidka.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa ,Edward Masibo ayaa sheegay inay howlgalka sii wadayaan.
Wuxuu intaas ku daray inaan la soo afjari doonin tallaabooyinka ay qaadayaan ilaa iyo inta waddooyinka laga saarayo baabuurta aan taya ahaan wanaagsaneyn ee halis gelin karo nolosha rakaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here