In ka badan 50 kun oo qof oo laga daadgureeyay Talyaaniga

Wararka naga soo gaaraya dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Koonfureed ee Brindisi ayaa sheegaya in maanta halkaas laga soo daadgureeyay qiyaastii 54,000 oo qof.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in tallaabadan la qaaday si maamullada ammaanka ay u burburiyaan bam la rumeysan yahay in la adeegsaday xilligii dagaalkii labaad ee adduunka.
Wargeyska maalinlaha ee Talyaaniga ee Corriere della ayaa qoray in tirada dadka la daadgureeyay ay u dhiganta in ka badan boqolkiiba 60 ee shacabkii magaaladaas.
Bamkan ayaa la rumeysan yahay in halkaasi lagu tuuray sannadkii 1941-tii wuxuuna dheerarkiisu yahay hal miitar halka culeyskiisa lagu sheegay 40 kiilogaraam.
Bishii hore ayaa la arkay xilli howlo dhismo ay socdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here