In ka badan 50 qof oo qaboow ugu dhimatay Bangladesh

Homeless men stand in a line on the side of a street to collect food on a cold winter morning in the old quarters of Delhi, India, December 29, 2019. REUTERS/Anushree Fadnavis

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay dalka Bangladesh kaddib markii sida la sheegay uu saameyn ku yeeshay qaboow xooggan.
Saraakiisha caafimaadka ayaa arrintan warbaahinta u sheegay.
Heerkulkii ugu hoseeyay ee wadankaas ayaa sannadkan garaay 4.5 digriis.
Ugu yaraan 17 qof ayaa dhintay kaddib markii ay ku timid dhibaato dhanka neefsashada ah.
33 kale waxaa noloshooda galaaftay shuban biyood iyo cudurro kale oo Bangladesh saameyn ku yeeshay laga soo billaabo 1-dii bishii hore ilaa 28-kii bishan Diseembar sida uu sheegay Ayesha Akhter oo ah sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee dalkaas.
Qaboowga halkaas ka jiro oo aad u daran awgeed, waxaa la weeciyay duulimaadyada qaar halka kuwo kalena dib loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here