In ka badan 55 qof oo ay waxyeello ka soo gaartay dibadbaxyo ka dhacay Thailand

Ugu yaraan 55 qof ayay dhibaatooyin kala duwan sida dhaawacyo ka soo gaareen dibadbaxyo ka dhacay wadanka Thailand.
Waxay isku dhacyo dhex mareen ciidamada booliska iyo dibadbaxayaal isku tagay xarunta baarlamaanka ee dalkaas.
Mudaharaadkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu rabshadeysnaa tan iyo bishii toddobaad ee sannadkan.
Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa u adeegsaday in ay dibadbaxayaasha ku kala eryaan.
Saraakiisha ayaa lagu eedeyay in ay isticmaaleen rasaas nool oo ay dadka qaar ku dhaawacmeen in kastoo ay eedeyntan iska fogeyeen.
Dadka mudaharaadka sameynaya ayaa dalbanaya isbeddel dhanka hoggaanka wadanka Thailand oo ay ka mid tahay inuu xafiiska baneeyo ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here