In ka badan 55,000 oo ka mid ah dhalinyarada Nairobi oo ka faaiidaysanaya barnaamijka Kazi Mtaani

Waxaa la filayaa in ugu yaraan 55,000 oo ka mid ah dhalinyarada ku nool ismaamulka Nairobi ay ka faaiidaystaan wajiga labaad ee barnaamijka dowladda ee loo yaqaano Kazi Mtaani.
Ilaa 55,524 oo da’yar ah ayaa qaban doono shaqooyin la xiriira nadaafadda deegaanka.
Wajigii koowaad ee barnaamijkan waxaa shaqo abuur loogu sameeyay 12,250 oo dhalinyaro ah.
Xoghayaha waaxda xabsiyada dalka Zeinab Xuseen ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in fulinta wajiga labaad ee Kazi Mtaani uu dhakhli ka soo geli doono dhalinyarada ku nool xaafadaha isku raranta ah.
55,524 qof ee la howlgelinaya ayaa isugu jiro 53,733 qabanaya shaqada loo xilsaaray iyo 1,791 kormeerayaal ah.
Barnaamijkan oo laga fulinaya guud ahaan dalka ayaa looga gol leeyahay in shaqo abuur loogu sameeyo in ka badan 270,000 oo dhalinyaro ah si looga qafiifiyo culeyska dhaqaale ee uu la yimid cudurka COVID19.
Dhawaan ayay ahayd markii afhayeenka dowladda Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in dowladda ay qorshahan ku bixinayso 10 bilyan oo uu soconaya muddo 6 bilood iyo bar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here