In ka badan 6 rakaab ah oo ku dhaawacmay weerarkii shalay ee baska Makkah

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha ayaa warbaahinta u sheegay in la xaqiijiyay dhaawaca ugu yaraan 6 qof kaddib markii shalay dabley hubeysan ay rasaas ku fureen bas ay leedahay shirkadda Makkah.
Baska la weeraray oo u kala goosho ismaamullada Nairobi iyo Mandera ayaa xilligaas marayay inta u dhexeysay deegaanada Ceelwaaq iyo Kutulo.
Mr. Kyatha ayaa xusay in dadkan ay rasaasta kaga dhacday lugaha.
Waxaa uu intaa ku daray in dhaawaca la kala geeyay isbitaallada deegaanada Kutulo iyo Ceelwaaq oo lagula tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamo dheeraad oo boolis ah la howlgeliyay.
Waxaa uu gaadiidleyda gaar ahaan kuwa baabuurta ay dadweynaha ku safraan ku wargeliyay inay codsadaan in lagu wareejiyo ciidamo ilaalo u noqdo inta ay safarka ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here