In ka badan 60 qof oo ku dhimatay tareen uu dab ku qabsaday dalka Pakistan

Ugu yarana 65 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen wadanka Pakistan halka 45 kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan kaddib markii tareen uu dab ka kacay.
Tareenkaasi ay dadkan saarnayeen ayaa marayay bartamaha dalkaasi.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaalada Liaquatpur, oo 150 kiilomitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada kale ee Multan.
Wasiirka adeegyada tareenada ee Pakistan Sheekh Rashid Axmed ayaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u sheegay.
Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Pakistan Maxamad Asfandyar ayaa laga soo xigtay inay suurtagal tahay in tirada dhimasho ay sii kororto.
Tareenka gubtay ayaa siday rakaab ka soo safray magaalada Koonfureed ee Karachi kuna wajahnaa Rawalpindi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here