In ka badan 60 qof oo ku dhintay daadad saameyay Bangladesh

Ugu yaraan 61 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dalka Bangladesh halka ku dhawaad 800,000 oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen kaddib daadad halkaasi ku dhuftay.
Fatahaadaha ayaa saameeyay ku dhawaad 3 milyan oo ruux laba toddobaad un kaddib roobab xooggan oo da’ay.
Maamulka maareynta musiibooyinka iyo wasaaradda gargaarka ee Bangladesh ayaa sheegay in dhibaatadan ay tahay midii ugu weynayd ee dalkaasi soo marto muddo laba sano ah.
Iyadoo heerka biyaha ay sare u sii kacayaan ayay khuburada caafimaadka iyo faya dhowrka ka digayaan in dalkaasi oo ay ku noolyihiin in ka badan 160 milyan oo qof ay ka dillaacaan cudurrada faafa.
Ugu yaraan 22 qof oo lagu arkay astaamaha lagu garto cudurka shuban biyoodka iyo xanuuno kale ayaa la dhigay isbitaalka degmada waqooyi ee Bogra sida laga soo xigtay dhakhtar lagu magacaabo Gowsul Azam.
Afhayeenka xariirka caalamiga ee laanqeerta cas ee Bangladesh Raqibul Alam ayaa sheegay in howlaha gargaarka ay ka qeyb qaadanayaan 700 oo ah dad si iskood ah isku soo saaray iyo ilaa 100 shaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here