In ka badan 600 oo qof oo Kenya ka caafimaaday Corona Virus

Kenya ayaa diiwaangelisay tiradii ugu badneyd oo ka caafimaada xanuunka Covid-19,waxaana bogsatay 24-kii saac ee la soo dhaafay dad gaaraya 642 qof.
Tirada bukaanada ka soo kabsaday fayraskan ayaa hadda ah 6,258.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr Rashid Aman ayaa sheegay in 587 ka mid ah ay daryeel caafimaad ku heleen gurayahooda halka 55-ta kalena isbitaalada laga saaray ka dib markii ay ka soo kabsadeen xanuunkan.
Kiisaska Coronavirus ee dalka ayaa maanta gaartay 14,168 ka dib markii wasaaradda caafimaadka ay galabta shaacisay 397 xaaladood oo dheeri ah.
Bukaannada cusub,ee laga helay fyruskan 389 waxay ahaayeen kenyaan halka 8 kalena ay yihiin dad ajaanib ah.
Dhanka dhimashada maanta tiro aad u badan ayaa la xaqiijiyay inuu Kenya noloshoodu u galaaftay Corona Virus waxaana dhimatay 12 qof taas oo tirada dhimashada guud ka dhigaysa 250 sida uu sheegay Dr Aman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here