In ka badan 600 oo qoysas ah oo ku barakacay daadadka Lamu

Dadka oo u fataahaada saameeyay

Ugu yaraan 600 oo qoys ayaa ku barakacay fatahaado saameeyay tuulooyin kala duwan oo ku yaalla ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Daadadka ayaa si gaar ah u saameeyay shacabka tuulooyinka Chalaluma, Moa iyo Dide Waride ,Mkunumbi , Hongwe ,Marafa, Jericho, Jipendeni, Salama, Lumshi, Zebra, Juhudi, Sinambio, Mavuno iyo Amkeni.
Dhibaatadan ayaa timid kaddib markii wabiyada Tana iyo Nyongoro ay karkaarada jabsadeen.
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in biyaha fatahaadka ay ka buuxsameen ilaa 157 guri oo ku kala yaalla tuulooyinka Moa iyo Chalaluma .
Isku duwaha howlaha hay’adda laanqeerta cas ee ismaamulka Lamu, Kauthar Alwy ayaa sheegtay in 445 qoysas ah ay saameyn ka soo gaartay daadadka.
Dhanka kale hay’adda KCB Foundation ayaa deeq lacageed oo dhan 2.5 milyan oo shilin siisay qoysas ay saameeyeen daadad ku dhuftay deegaanka Budalangi ee ismaamulka Busia.
Lacagtan ayaa loo adeegsanaya in dadka halkaas ku barakacay loogu iibiyo waxyaabaha aasaasiga ee ay u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here