In ka badan 67,000 xaaladood oo COVID19 oo laga xaqiijiyay India

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay inay diiwaangelisay kiisas cusub oo coronavirus oo dhan 67,000.
Sido kale dhimashada ayaa kor u dhaaftay 47,000.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus gudaha wadankaas ayaa hadda ah 2.4 milyan.
India ayaa ah wadanka saddexaad ee caalamka ee laga xaqiijiyay xaaladaha ugu badan ee cudurka marka laga soo tago Maraykanka iyo Brazil.
15-kii cisho ee ugu dambeeyay waxaa si xiriir ah maalin kasta India looga diiwaangelinayay in ka badan 50,000 xaaladood oo hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here