In ka badan 7 qof oo ku dhimatay dab ka kacay maqaaxi ku taallo India

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 7 qof kaddib markii uu dab xooggan qabsaday maqaaxi ku taallo wadanka India.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay gobolka koonfureed ee Andhra Pradesh ee dalkaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maqaaxida ay ka mid ahayd goobaha lagula tacaalo cudurka COVID19.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro dhaawac dhowr ah oo la geeyay isbitaalka dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dabka ugu dambeyn la xakameeyay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee India Amit Shah ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid naxdinteeda leh.
Mr. Amit ayaa tacsi u diray eheladda 7-da qof oo dhimatay halka dhaawaca uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii sideed qof oo ka mid ah bukaannada uu soo ritay cudurka COVID19 ay ku dhinteen dab ka kacay qaybta daryeelka degdegga ee isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Axmedabad ee India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here