In ka badan 70 qof oo lagu xiray Masar kaddib dibadbaxyo dhacay

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa sheegay inay xabsiga u taxabeen ugu yaraan 74 qof kaddib markii shalay caasimadda wadankaasi ee Qaahira ay dibadbaxyo ka dhaceen.
Dibadbaxan ayaa looga soo horjeeda maamulka madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fattax al-Sisi
Waa dibadbaxii ugu horreeyay ee Masar ka dhaco tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne al-Sisi.
Dad tiro badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Taxriir magaalada Qaahira oo ahayd goobtii uu ka bilaabmay kacdoonkii Masar ee sanadkii 2011-kii xukunkana looga tuuray hoggaamiyihii dalkaasi ee mudada dheer talinayay Xusni Mubaarak.
Dibadbaxayaasha ayaa muujinayay sida ay uga careeysan yihiin eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay xukumadda madaxweynaha dalka Masar .
Galinkii dambe ee jimcaha ayay ahayd markii mudaharaadyada ay ka bilowdeen magaalada Qaahira iyadoo dadka dhigayay ay ku dhawaqayeen, Sisi xafiiska ha banneeyo sido kalena dalbanaya in xukuumaddiisa la rido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here