In ka badan 70 qoys oo fatahaadaha Baringo Saameeyeen

Fatahaadaha deegaanka Tiaty iyo qaybaha kale ee Baringo ayaa waxay barakiciyeen 7o qoys kaddib markii uu wabiga Tangulbei kaaraha soo jabsaday.
Madaxa isgaarsiinta Hay’ada laanqeerta cas Peter Abwao ayaa sheegay in qaar ka mid ah guryaha ay burbureen.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in Kenya Red Cross ay la kaashaneyso dadka deegaanka si ay gaargaar ugu fidiyaan.
Iskuduwaha gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa sheegay in saraakisha ay xaaladda la socdaan ,waxayna meel dhigayaan talaabooyin aysan fataahadaha ku saameyn dad kale.
Sida ay sheegtay waaxda saadasha hawada, robbab xooggan ayaa laga filaya inay ka da’aan ismaamulada Laikipia, Nyandarua, Baringo, Marakwet, Uasin Gishu, Samburu iyo galbeedka Pokot.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here