In ka badan 70 sarkaal oo lagu dilay Niger

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Niger ayaa sheegtay in ugu yaraan 71 ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay weerar ka dhacay xero milatari oo ku taalla dhanka galbeed.
Afhayeen wasaaradda u hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in sido kale laga takhalusay dhowr ah ka mid ah argagixisada.
Waxay dhanka kale dhaawacyo soo gaareen 12 sarkaal oo milatari ah halka kuwo kalena weli la la’yahay.
Madaxweynaha Niger, Maxamadou Issoufou oo dib u dhigay safar uu qorshuhu ahaa inuu ku tago Masar.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada wadankaas ayaa lagu sheegay in Mr. Issoufou uu baajiyay safarkiisa si u ciidamada murugada ula qeybsado.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ee soo maro taariikhda ciidamada difaaca ee Niger.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here