In ka badan 8 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Pakistan

Ugu yaraan 8 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax laga laga fuliyay dalka Pakistan halka in ka badan 24 kalena ay dhaawacmeen.
Weerarka ayaa laga gaystay afaafka hore ee macbad can ah oo ku yaalla magaalada bari ee Lahore sida laga soo xigtay ciidamada booliska.
Waxaa lala bartilmaameedsaday baabuur ay boolisku leeyihiin oo marayay bannaanka macbadka Data Darbar.
Taliyaha booliska ee gobolkaasi Arif Nawaz ayaa warfidiyeenka u sheegay in dadka dhintay 5 ka mid ah ay boolis yihiin.
Sarkaal sare oo booliska magaaladaasi ka tirsan oo lagu magacaabo Ashfaq Axmed, ayaa isna hoosta ka xariiqay in baarayaan in qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ama ismiidaamin.
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray baabuurka booliska, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here