In ka badan 81 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Suudaanta Koonfureed

Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu dilay gobolka Warrap ee Koonfuurta Suudan kaddib markii dagaal culus uu dhexmaray dad rayid ah oo hubeysanaa iyo ciidamada dowladda.
Afhayeenka militeriga Koonfuurta Suudan Lul Ruai Koang ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xilli ciidamada ay sameynayeen hub ka dhigis.
Waxaa uu dhanka kale wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalka labada maalmood socday uu billowday kaddib markii qaar kamid ah dhalinyarada hubaysan ee aaga Greater Tonj ay billaabeen in ay weeraraan saraakiisha ammaanka.
Mr Lul Ruai Koang ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aynan caddeyn waxa sababay dagaalka isagoo raaciyay in baaritaan arrintaan la xiriira la billaabay.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 55 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga iyo 26 qof oo rayid ah halka 31 kale oo ah saraakiisha adeegga ay dhaawacyo soo gaareen waxaa uuna carrabka ku adkeeyay in tirada ay intaas ka sii badan karto.
Saraakiisha ay dhaawacyadu soo gareen ayaa loo duuliyay isbitaalka militeriga ee Juba si loogu dabiibo halka ay xasiloonidii ay ku soo laabatay aaggi lagu dagaalamay.
Dowladda dhexe ee dalkaasi ayaa sannadkan billowday heshiis lagu soo afjarayo khilaafyada ka taagan gobolka Tonj ku waas oo qarxay sannadkii 2013-kii waxayna dowladda bishii la soo dhaafay wadday hub ka dhigis, iyadoo sheegtay in malleeyshiyaad hubeysan oo aagga ku sugan ay wadeen rabshado ka dhex dhaco bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here