In ka badan hal milyan oo arday ah oo berri billaabaya imtixaanka KCPE

Ugu yaraan hal milyan oo arday ah ayaa lagu wadaa in laga billaabo berri ay u fariistaan imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad, dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Maanta ayay sameynayaan diyaargarowgii ugu dambeeyay iyadoo dowladdana ay sheegayso in imtixaanada si weyn loo maareyn doono.
KCPE-da ayaa socon doonto muddo saddex maalmood ah halka guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu howlgelinayo maamulayaal tiro ahaan dhan 28,000 si ay xarumaha kala duwan ee imtixaanada lagu qabanayo ay u maamulaan.
Sido kale waxaa dhaqdhaqaaqa ardayda si dhow ula socon doono 173,000 macallimiin ah.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay inay kaashanayaan wasaaradda arrimaha gudaha si inta imtixaanada qaran lagu guda jiro uunan wax khalkhal ah u dhicin.
Waxaa uu ka digay in la sameeyo fal walba oo dhaawacaya kalsoonida lagu qabi karo natiijada imtixaanada.
14-kii bishan Tobnaad ayay ahayd markii sii hayaha xilka madaxa fulinta ee golaha qaran ee imtixaanada (KNEC) Mercy Karogo ay ku baaqday in wasaaradda taageero buuxda lagu siiyo howshan.

Dhanka kale guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Bomet, Geoffrey Omoding ayaa arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay in 12 ka mid ah gabdhaha sannadkan u fariisanaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da ay uur leeyihiin.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in caqabaddan aynan ardayda ka hor istaageynin inay imtixaanka sameyaan.
Waxaa uu digniin adag u diray cid walba oo ismaamulkaasi ku nool oo ku xadgudubta ama uureysa ardayda dugsiyada dhiganaya.
Mr. Geofferey ayaa xusay in kastoo tani ay nasiib darro tahay haddana inaan loo baahneyn in gabdhaha yaryar mustaqbalkooda la halleeyo.
Guddoomiyaha ayaa sido kale sheegay in xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee Bomet oo falalkan laga xariirinayo.
Ismaamulka Bomet waxaa sannadkan imtixaanka qaran ee shahaadiga ee KCSE-da u fariisanaya arday dhan 18,659 oo isugu jiro 9,789 wiilal iyo 8,870 gabdho ah.
Sannadkii hore ee 2018-kii waxaa imtixaanada KCPE-da iyo KCSE-da iyagoo uur leh ismaamulka Bomet ku sameeyay in ka badan 30 gabdhood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here