Darbi soo dumay oo sababy khasaaro nafeed

Sedex qof ayaa lagu soo waramaya in ay dhinteen kadib markii ku soo dumay darbi ay ku hoos jireen agagaarka wadada Mathenge oo katirsan xaafada Westland ee Magaalada tan Nairobi.

Shilkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhawacmay laba qof oo hadda xaaladooda caafimad lagula tacaalayo Isibtiaalka Avenue  halka qof kalana wali lala’yahay.

10 qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegaya in laga saray isbitaalka kadib markii ay soo gaaren dhawacyo fudud.

Ilaa iyo hadda wali si rasmi ah looma ogaanin sababta dhabta ah ee ka dambeysay in darbigiisaasi u soo dumay balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo maleenayo carada aagassi oo nuglaatay.

Goobta uu darbiga ku soo dumay aya la geeyay shaqaala isugu jiro ciidamada booliska, kuwa hay’ada laan qeyrta cas waxayna dhamaantood ka qeyb qadanayaan badbadinta dadka la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan darbigaasi.

Dhacdadan ayaa imaaneysa laba maalin kadib markii sidan oo kale laba qof ay dhinteen halka laba kalana u soo gaaray dhaawacyo halis kadib markii uu ku soo dumay qeyb kamid ah guri xiligaas ku socday dhismo xafada Spring Valley ee isla Magaalada tan Nairobi.

Labadaas qof dhacdadasi ku geeriyoteey ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Victor Imbuka iyo Francis Akiduna.

29-ka bishii April ee sanadkan ayaa sidoo kale la xasusta guri 6 dabaq ka kobna oo ku dumay xafada Huruma ee Magaalada tan Nairobi u galaftay nolasha in kabadan 50 qof iyadoo xiligaas u casimada ka da’ayay robab mahiigan ah.

Baritan la sameeyay gurigaasi ku dumay xafada Huruma kadib ayaa waxaa la sheegay in dhismahaas oo ka kobnaa 198 qol aan loo dhisin islamarkaana la garsiinin heerka dhismayaasha.

5 qof oo lala xiriirinayo in ay leeyihiin guryahaasi ayaa hadda dacwada ku socota waxana hadda ay banaanka ku joogan damiin lacageed oo dhan 1 milyan midkoodba.

Waxana ragaasi magacyadooda lagu kala sheegay Samuel Kamau iyo Henry Muiruri oo walaala ah iyo Crispus Ndinyo, Justus Kathenge iyo Seline Ogallo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Darbi soo dumay oo sababy khasaaro nafeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *