Gavanaha countiga Lamu oo ku biirayo isbeheysiga Jubilee

Gavanaha countiga Lamu  Issa Timamy  ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isaga baxa isbahaysiga Amani National Coalition oo uu xubin ka yahay uuna ku biro jubilee .

Shardiga uu ku xiray isbahaysiga jubilee si uu ugu biro  ayuu gavanaha  ku sheegay hadii ay jubilee  balanqadaan in maamul goboleedkiisa lagu horumarinayo dhanka dhaqaalaha.

Sido kale gavana Timamy ayaa xusay in uu ku biirayo isbahaysi kasta oo siyaasadeed kaasi  oo mudnaanta koowad siinaya waxyabaha ay u baahanyihiin rayidka.

Mr Timamy  ayaa sheegay in isbahaysiga talada haya ee jubilee  u 200 oo milyan oo shilin ku bixiyay sidii loo wanaajin laha tayada  seddex ka mid ah  cisbitaalada countiga  Lamu.

Sido kale  lacag dhan 10.4 bilyan  oo shilin ayuu gavanaha sheegay in loo qondeeyay  sidii lami looga dhigi lahaa   wadada isku xirta  Lamu- iyo garseeni oo dherarkeeda dhanyahay 135km.

Tan iyo  sanadii 2013-ka oo uu xilka qabtay ayuu  Mr Timamy wajahayay dhaliil  ay u jeedinayeen siyaasiyiinta  countiga Lamu oo ay iska soo horjedaan.

Ugu dambeyntina doorashada soo socota ee 2017-ka ayuu gavanaha sheegay in uunan tartan adag wajaheynin oo uuna si fudud  ku guleysanayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Gavanaha countiga Lamu oo ku biirayo isbeheysiga Jubilee

  1. taas waa iska marmarsiyo dadka countigiisa waa canshur bixiyaal sida kenyanka kele hormar xaaq ayey u leyihiin haduu gavanahoda tagyaro jubilee ama cord kaasna waa laibsadwey sidii ababu iyo atuoma loo iibsade o kele

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *