Gudiga Cadaalada oo soo jeediyay in saraakiisha IEBC lacag la siiyo hadii ay si anan qasab ahayn isku casilaan

 Gudiga qaabilsan maamulka cadaalada ee loo yaqaano Ombudsman ayaa sheegay hadii saraakiisha sar sare ee  gudiga IEBC ay si anan qasab ahayn xafiiska uga baxaan la siiyo fa’aidada ay  mudanyihin.

Fa’aidadan ayaa loolajeeda in si buuxda loo siiyo lacagta loo garto shaqsi kasta oo shaqa dowladeed isaga oo unan waqtigiisu dhamaanin  oo anan la qasbin shaqada isaga baxa.

Gudoomiyaha gudigan Otiende Amollo aya sheegay in gudiga laba geesoodka ah ee ku howlan isbedellada lagu sameynayo gudiga doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC looga baahanyahay in arintan ay tixgeliyaan.

Mr.Otiende ayaa xusay in  sido kale saraakiisha IEBC xafiiska looga saari karo in ay tahay  dastuurka shuruucda ku qeexan oo loo adeegsado iyada oo lagu saleynayo in ay lumiyeen kalsoonida shacabka.

Dhanka kale Mr Omollo ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday in hadii doorashada oo xiligeedu dhowyahay gudi hor leh la soo magacaabo ay doorashada halis ku noqon karto.

Gudiga laba geesoodka ah ee matalaya labada isbeheysi ee Jubilee iyo cord ayuu mr Omollo u sheegay in doorashada oo dib loo dhigo aynan habooneyn maadama ay tahay xadgudub ka dhan ah dastuurka dalka.

Ugu dambeyntina gudoomiyaha gudiga laba geesoodka ah Kiraitu Murungi  ayaa ka dhawaajiyay in arrimaha  uu soo  jeediyay gudiga Ombudsman ay gacan weyn ka geysteen in jawaabo loo helo suaalo badan oo ka dhex guuxayay maskaxda xildhibaanada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Gudiga Cadaalada oo soo jeediyay in saraakiisha IEBC lacag la siiyo hadii ay si anan qasab ahayn isku casilaan

  1. waxan filaya jubilee hadey u ogolato xaqooda iney iscasilayan waxay udidan yihiin iney hada waxa waye ayaa xaqooda udidan waxay rabta usijogaan ila dorashada sosoocota

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *