Gudoomiyaha gudiga IEBC o ka hadlay countiyada calaamada saran oo laga cabsi qabo in ay qalalaasa ka dhacaan doorashada soo socota.

Gudoomiyaha Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa ka hadlay daraasad cusub oo goor sii horeysay la muujiyay islamarkaana muujineysay in 19 county oo kamid ah 47 counti ee uu dalka ka kooban yahay laga cabsi qabo in ay qalalaasa ka dhacaan inta lagu guda jiro doorashada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2017.

Ahmed Isaac ayaa sheegay in arintaasi ay isku diyaarinayaan si ay ooga hortagaan inta awooda ay u leeyihiin taas oo u ku sheegay in ay sahleyso hadii la qabto doorasho xor iyo dhaxdhaxaad ah.

Dhanka kale Mr Hassan oo wareysi siinayay mid kamid ah televishanada dalka oo mar wax laga weediyay in ay ka wal wal qabaan arintaasi ayaa hoosta ka xariiqay in hadii siyaasinta iyo xisbiyada siyaasada ay si wanaagsan uga soo baxaan doorkooda aysan jiri karin wax wal wal oo arintaasi laga yeesho.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

2 thoughts on “Gudoomiyaha gudiga IEBC o ka hadlay countiyada calaamada saran oo laga cabsi qabo in ay qalalaasa ka dhacaan doorashada soo socota.

  1. Hadi IEBC iyaga laftoda mesha kabixin waxa dhicikara qalalaso inta hada laga cabsi qabo kabadan o laga yaabo countiyo kuwan aad ugu badan kaqeybgalaan

  2. waxaa ufiican inu shaqada iskaga tago maxa yele hadii wakhtiga dorashada dagaal dhiig udaato dhacoo icc asay maxkamad saari doonta waxii hada dalka kasocdo wee lasocdaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *