Laba qof oo Argigixisnimo Lagu Eedeeyay oo Lagu Togtay Magaalada Mombasa

Wararka ka imaanaya Countiga Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka ayaa sheegay in ciidamada halkaasi ka howlgala ay togteen laba qof oo lagu tuhmay in ay xariiir la leeyihiin kooxaha loogu yeero argagixisada.

Howlgallo baaxad leh oo ciidamada booliska ay ku bacsanayeen ragaasi kadib markii dadweynaha ay laamaha amaanka ku soo wargaliyeen ayaa markii dambe miro dhal u noqday kadib markii ragaasi oo sida la sheegay ku dhumaleysanayay Majengo iyo Magaalada Malin si kadis ah guryihii ay ku sugnaayen ay ciidanka ku weerareen.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in howlgalkaas oo ka dhacay Mshomoroni oo ka tirsan deeganka Kisauni sidoo kale lagu dhaawacay laba kale oo la baxsaday dhaawacyadooda falkaasi oo ka dhacay shalay abaare 4pm galabnimo.

Kuxigeenka Taliyaha ciidamada booliska Kisauni Walter Abondo oo xaqiijiyay dhacdadaas ayaa sheegay in labadaasi qof ay ka tirsanaayen kooxda Alshabaab oo fadhigeedu yahay dalka Soomaliya.

Ciidamada booliska oo guriga ay ragaasi kujireen ka helay hub isugu jiro rasaas, bam gacmeed iyo alado kale oo qarxa ayaa la shegay in burcadaasi ay ku howlanaayen falal argagixisnimo oo ay ku doonayeen in  ay ka gesteen goobo ka tirsan gobolka xeebta gaar ahaan Magaalada Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *