Madaxweynaha oo ansixiyay hindisa sharciyeed ku saabsan daqliga ka soo xaroodo canshuurta countiyada

Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku dugay hindisa sharciyeed ku aadan in maamul goboleedyada loo qondeeyo daqliga ka soo baxa canshuuraha.

Hindisa sharciyeedka loogu magcac daray  the County Allocation of Revenue Bill, 2016 oo hada sharci noqday ayaa horseedaya in si siman 47 counti ee Kenya loogu qoondeeyo daqliga canshuurta la aruuriyo ka soo xaroodo.

Maamul goboleedyada ayaa loo qondeyay 304 bilyan oo shilinka dalka halka  208 bilyan oo lacagtan ka mid ah  ay ka helayaan wasaaradda maaliyadda   23 bilyan oo kalena ay yihiin deeq shuruud lagu xirayo.

Wasaarad kasta oo maamul goboleedka u qaabilsan maaliyada waxa laga doonaya in boogaga  xisaabta lagu diiwan geliyo  daqliga ka soo gaaray dowlada dhexe.

Afhayeenka aqalka senetka Ekwe Ethuro  ayaa hindisa sharciyeedkan madaxweynaha u gudbiyay si uu u ansixiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxweynaha oo ansixiyay hindisa sharciyeed ku saabsan daqliga ka soo xaroodo canshuurta countiyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *