Madaxweyne Kenyatta oo calanka qaranka ku wareejiyay kooxda dalka uga qeyb galeyso ciyaaraha Olympiga

Madaxweynaha Dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxa u calanka qaranka dalka u saaka gacanta u galiyay kooxda dalka uga qeyb galeyso ciyaaraha Olympiga oo lagu wado in ay dalka Brazil ka qabsooman sanadkan 2016-ka isago dhinaca kalena Kenyanka ugu baaqay in ay tageero u muujiyan kooxdan dalka mataleyso si ay guulo uga soo hoyan ciyaarahan waxana u madaxweynaha kooxdan uu u xaqiijiyay tageerada shacabka Kenyanka xiliga ay ka gudoomayeen calanka qaranka dalka.

Madaxweynaha ayaa kooxdan ku amaanay in ay yihiin kuwa anshax wanaagsan isla markaasina u hiilan in ay waddanka u horseedan in u guulo ka gaaro ciyaarayaha ay ka qeyb galaan waxana u madaxweynaha intaas ku daray in aysan ahayn oo kaliya ciyaartoy balse ay yihiin danjirayaal dalka u ma talayo caalamka oo idil waxana u ku booriyay in ay si adkeystaan sumcada ay caalamka ku leeyihin.

 

Mr Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciyaartoyda dalkan Kenya ay yihiin kuwa dadaal badan isla markaasina caalamka ku leh sharaf oo an u bahneyn in ay isticmaalan mandooriyayaal si ay guulo uga gaaran ciyaaraha ay ka qeyb galaan waxana uu u mahadnaqay dhamaan shaqsiyaadka tageerada u muujiyay kooxdan xiliga ay ku guda jireen diyaar garowga waddanka Brazil ugu qeyb galaayan ciyaaraha Olympiga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *