Musharaxa xisbiga jamhuuriga ee Mareykanka Donald Trump oo caleemasaarka ogolaaday

Donald Trump oo ah musharaxa ergada xisbiga jamhuuriga ee mareykanka ay u xusheen in uu doorashada u matalo ayaa xalay caleema saarka ogolaaday.

Musharaxan ayaa ballanqaaday in   nabadii Mareykanka la soo celinayo hadii isaga madaxweyne loo doorto  oo aynan dooranin Hillary Clinton.

2,000 oo ka mid ah ergada xisbiga hortooda ayuu xulashan  oo ka dhacday magaalada Cleveland ee gobolka ohio ka tirsan mareykanka ku aqbalay.

Isaga oo farta ku fiiqayo kameerada ayuu Donald Trump yiri codkiina ayaan ahay halka u balan qaaday in u abuurayo malaayiin  fursado shaqa ah.

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in kobaca dhaqaalaha ee Mareykanka uu ku soo kordhinayo  hanti lagu qiyaasay intaas oo triliyoon oo doolar.

Donald Trump oo faahfaahinayo  talaabada dhanka amniga ee uu qaadayo ayaa yiri falal dambiyeedyada iyo rabshadaha xiligan  Mareykan ka socdo dhawaan waa la soo afjarayaa, waxaana ula jeeda dhawaan ayuu hadalkiisu raaciyay.

20-ka bisha January ee sanadka soo socdo ee 2017-ka ayuu ku sheegay maalinta koowaad ee isbedelka dhanka amniga mareykanka laga dareemi doono.

Khudbadii  u xalay jeediyay ayaa noqoneysa midi ugu weyneyd oo uu qaranka u jeediyo hor dhacna u ah doorashada lagu wado in Mareykanka ay ka qabsoonto bisha Novembar ee sanadkan 2016-ka.

 

Donald Trump oo anan horay xil loo soo doortay u qabanin ayaa tartan kula jiraa haweneydi horay u ahayd xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka  Hillary Clinton oo mataleysa xisbiga dimuqraadiga.

Ugu dambeyntina , Donald Trump ayaa yiri  fariinteydu waa in arrimaha la bedelo, isbedelkasina uu  hada dhaco, waan idin la jiraa, waa idin dagaalami, guulna waa idin soo hoyin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *