Qoysas ay kasoo jeeden laba qof oo argigixinimo lagu togtay oo eedeyn dusha oga tuuray dowlada

Qoysaska ay kasoo jeedan laba qof oo shalay galab ay ciidamada booliska ee ka howlgala Countiga Mombasa ku togteen deeganka Kisauni ee isla Countigaasi ayaa eedeyn kulul dusha oga tuuray dowlada dalka.

Familigan ayaa sheegay in hadii ciidamada ay ragaasi ka shakiyeen tilaabada ugu horeyso ay oo ay fursad u hasten ay tahay in lasoo qabto islamarkaana xabsiga loo taxaabi si loogu soo oogo dacwadaha lagu eedeynahayo.]

Eheladii ragaasi ayaa hadda dowlada ka codsanayaa I baaritaano lagu sameeyo dilkaasi loo gestay labadaasi qof oo ay ciidamada amaanka sheegeen in ay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaate ciidamada booliska ee howlgalkaas fuliyay ayaa sheegay in markii ragaasi ay ku weeraren gurigii ay kujireen ay ciidamada amaanka rasaas kusoo fureen taas oo sababtay in ciidanka ay adegsadaan rasaas nool nool si dhulka loo dhigo dableydaasi.

Taliye kuxigenka ciidamada booliska ee Kisauni Walter Abondo oo goor sii horeysay xaqiijiyay dhacdadaasi ayaa sheegay in ragaasi ay Qatar ku ahaayen nolasha dadka deegankaasi maadama ay qorsheenayeen weararo ay ka gestaan gobolka xeebta gaar ahaan Countiga Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Qoysas ay kasoo jeeden laba qof oo argigixinimo lagu togtay oo eedeyn dusha oga tuuray dowlada

  1. dadkaasi waxa loo dilay waa muslamiin wax kele marmarsiyo jubilee ruxey doonta ayey dili waxay ku edeen waa argagaxiiso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *