Raysalwasaaraha UK Theresa May oo booqasho ku mareysa Germany iyo France

Raysalwasaaraha cusub ee UK Theresa May ayaa booqasho ku mareysa dalalka Germany iyo France si ay ugala hadasho arrimaha la xariira xiliga dalka Ingiriiska u ka baxayo Midowga Yurub.

Mrs May ayaa booqasho ku tagtay caasimada Germany ee Berlin halkaasi oo ay kulamo kula yeelatay hoggaamiyaha dalkaasi haweenayda Angela Markel. Kulankan ayaa ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay sida ay sheegen labada dhinac.

Theresa May ayaa maanta oo Khamiis ah booqaneysa magaalada Paris si ay kulan ula yeelato Madaxweynaha France Mr.Hollande.

Dowlada France ayaa iyadu dooneysa in la dadajiyo ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub, halka Raysalwasaaraha UK  Theresa May ay dooneyso in wakhti dheer la siiyo xukumada Ingiriiska inta ay isu diyaarinayan ka bixitanka dalkaasi ee EU-da oo qaadan kara muddo 2 sano ah.

Madaxweynaha France Hollande oo cadaadis xoogleh ka heysto mucaaridka dalkiisa oo iyaguna doonaya in afti loo qaado ka bixitanka France ee Midogwa Yurub, ayaa walaac ka qaba in looga guuleysto doorashada sanadka soo socota, waxa uuna doonaya in la dadajiyo arrimaha la xariira UK ka bixitaankeeda Midowga Yurub.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Raysalwasaaraha UK Theresa May oo booqasho ku mareysa Germany iyo France

  1. britain waa in la siya wakhti dheer sii ee isku diyarian baxitankooda weli ayiga iyo dadka wadamada yurub wee isku dhaxmilmeen wakhti dhow makalabixikaran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *