Sanadkan oo la sheegay in ku dhawaad 3,000 qof ay ku quusteen badda Mediterranean

Ku dhawaad 2,977 ruux ayaa  sanadkan gudihiisa ku nafwaayay badda Mediterranean iyada oo maalin kasta baddan ay ku quustaan 20 qof tan iyo  bishi marso ee sanadkan.

Hay’adda socdaalka ee IOM ayaa maanta  tirada dadka badda ku quustay ee sii korortay ku sababeeyay qaxootiga badda ku sii qulqulayo oo ay tiradoodu sara u kacday.

Afhayeenka IOM,Joel Millman  ayaa sheegay in tiradan dhimasho mid u dhiganta anan la soo tabinin intii ka horeysay  bishii sebtembar ee sanadii 2014-kii iyo bishii  Oktobar ee sanadii la soo dhaafay.

Tan iyo bilowgii sanadkan waxa dalalka yurubka galay in ka badan 250,000  oo ruux halka dadkan ay u badanyihiin kuwo ka soo jeedo Afrikada saxaraha ka hooseysa .

Dadkan ayaa ku safra dhul iyo  wada halis ah  oo u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.

Mr Millman ayaa xusay in safaradii lagu mari jiray inta u dhexeysa Turkiga iyo  Giriiga oo uu ku tilmaamay kuwo anan lagu dhibatoon aynan hada jirin.

Maalintii shalay  meydadka 17  ruux ayaay ciidamada xeebta ee talyaaniga ka soo heleen badda Mediterranean.

Ugu dambeyntina dad ay tiradoodu gaareyso 1,700  oo ruux ayaa laga soo badbaadiyay doomaha  maalintii arbacada iyo shalay oo khamiis ahayd.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *