Seddex ka mid ah booliska dalka gaar ahaana kuwa qaabilsan maamulka ee loo yaqaano AP-da ayaa amar lagu siiyay in ay maxkamadda ka soo hor muuqdan si ay uga jawabaan dhacdo lala xiriirinayo oo lagu waayay labo ruux .
Labada qof oo mid ka mid ah uu ahaa ganacsade ka ganacsada mootada iyo macamilkiisa ayaa la waayay bishii la soo dhaafay.
Garsooraha maxkamadda sare ee Isaac Lenaola ayaa maanta seddexdan sarkaal oo lagu kala magacabo Benson Simiyu, Simon Mureithi iyo Kennedy Njoroge amar ku siiyay in ay taarikhdu marka ay ku begantahay 26-ka bishan July maxkamadda hor tagaan.
Dacwada ayaa lagu wadaa in u dhageysto garsoore lagu magacaabo Joseph Onguto .
Amarka garsooraha ayaa yimid kadib markii ururka ay ku bahoobeen gar yaqaanada dalka ee LSK ay dacwad ka gudbiyeen abaanduulaha guud ee booliska Joseph Boinnet, xeer ilaaliyaha guud prof Githu Muigai iyo agaasimaha waaxda dacwad oogista ee Keriako Tobiko.
Seddexdan sarkaal aya la sheegay in labada qof ee kala ah Brian Nzeze iyo Aluda Mambo oo la waayay kadib markii ay istajiyeen iyagoo ku sugan xaafadda Kawangware ee magaaladatani Nairobi.
Sida ku qoran warqada maxkamadda loo gudbiyay, Brian Nzeze iyo Aluda Mambo ayaa la waayay kadib markii xabsiga loo taxaabay bishii june ee an ka soo gudubnay.
Ururka ay ku bahoobeen qareenada dalka ee LSK ayaa sheegay in dadkan la waayay waalidiintoda ay arintan walwal ku abuurtay sidaas awgeedna ay dalbanayaan in joseph Boinnet,Githu Muigai iyo Keriako Tobiko ay faahfaahiyaan sida dadkan lagu waayay.