Fahfaahin kasoo baxeyso weerarkii ka dhacay dalka Jarmalka

Faahfaahin dheeri ah ayaa laga helayaa toogasho ka dhacday goob ganacsi oo kutaalo Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Wararka aya waxay sheegayaan in sagasal ruux ay ku dhinteen weerarkaas halka 18 kalana uu dhaawacyo soogaray sida ciidamada booliska xaqiijiyeen.

Booliska ayaa sheegay in weerarkaas uu qaaday hal ruux oo kaliya, kaasoo markii dambe is dilay, waxaana markii hore jiray warar sheegayay in weerarka ay geysteen saddex ruux.

Xaalada magaalada Munich ayaa cabsi iyo jahwareer gashay, waxaana bilowday howl gal ay booliska ka wadeen magaalada oo dhan, iyadoo la joojiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka, dadkana waxaa lagu amray in aanay guryahooda ka soo bixin.

Ninkan looga shakisan yahay inuu weerarkan ka dambeeyay ayaa ahaa 18-sano jir heystay dhalashada Jarmal iyo Iiraan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 18 ruux, waxaana xaaladooda ay aad u liidataa 3 ka mid ah sida ay booliska xaqiijiyeen.

Ma cada illaa iyo hada waxa uu la xiriiray weerarkan, lama oga inuu weerarkan xiriir la leeyahay falal argagixiso.

Howl gal ballaaran oo lagu baadigoobayay dad kale oo la sheegay in weerarkan xiriir la lahaayeen ayaa ka socday magaalada Munich, iyadoo la joojiyay gaadiidkii dhulka hoostiisa marayay iyo kuwa gaarka ah.

Booliska ayaa markii dambe xaqiijiyay in aanay jirin cid kale oo weerarka ka qeyb qaadatay, markii goob joogayaal ay ka shakiyeen gaari ay ku carareen labo ruux, markii uu weerarka bilowday.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Fahfaahin kasoo baxeyso weerarkii ka dhacay dalka Jarmalka

  1. waa lo ogade wuxuu yahay waa nin gaal ah o maskaxda lo ga jirey waye lakin hadu muslim ahaan laha waxa ladhihi laha waa argagaxiso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *