Maxkamada Mombasa oo xukun ka gartay nin loo hestay ganacsiga faloosha maroodiga

Ganacsade kasoo jeedo Countiga mombsa ee gobolka xeebta ee dalka ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig kadib markii lagu helay dambiyadii lagu soo oogay.

Ninkan oo lagu magacaabo Faisal Maxamed Ali oo 47 sano jir ah ayaa sidoo kale lagu xukumay 20 milyan oo shilinka dalka, xukunkaasi ayaana kadambeeyay markii goor sii horeysay lagu helay foolal maroodi oo qiimihiisu lagu qiyaasay 44 milyan oo shilin.

Dhanka kale dad kale oo lala soo xiray Mr Faisal oo lagu kala magaaco Abdul Halim Sadiq, Ghalib Sadiq Kara, Praverz Noor Mohamed and Abdulmajeed Ibrahim ayaa la siidaayay kadib markii lagu waayay wax cedeymo ah oo la xiriirta dambiyadii lagu soo oogay.

Xaakinada Maxkamada Ms Diana Mochache  ayaa shegtay in xukunkaasi uu qaarka kale ee ku howlan ka ganacsiga foolasha maroodiga uu u noqon doonto cashar ay wax kabartaan.

Ms Mochoche ayaa sidoo kale shegtay in cedeymaha loo cuskaday xukunka lagu riday  Faisala uu kamid yahay macluum la xiriira teleefoonadii uu isticmaalayay intuu uu qorsheenayay ganacsigaasi uu ku doonayay in uu ku iibiyo fooalshaasi oo la sheegay in ay gaarayeen 2,000 oo klgrm.

Dhanka kale qareenadii u dooyay eedeysanahan oo lagu kala magacaabo  Michael Oloo, Gikandi Ngibuini, Jared Magolo and Pascal Nabwana ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunkaasi oo shalay kasoo baxay Maxkamada Mombasa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *