Mudanaha laga soo doortay koonfurta Wajeer oo ka hadlay warbixintii ay dhawaan soo saartay hay’adda Human Rights Watch

Iyada oo maalintii arbacada hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch  ay xariga ka jartay warbixin ay soo saartay  oo ku saabsan dad lagu waayay gobolka waqooyi bari ee Kenya halka kuwo kalena  meydadkooda la helay ayaa waxaa arintan ka hadlay mid ka mid ah xildhibaanada gobolka.

Cabdullahi Diiriye oo ah xildhibaanka laga soo doortay  degaan baarlamaneedka koonfurta wajeer sido kalena ka mid ah gudiga aqalka baarlamaanka ee xuquuqul aadanaha ayaa idaacada star fm uga waramay  munasabad uu ka qeyb galay oo warbixintan lagu wargeliyay ka hor inta anan xariga laga jarin.

Sido kale mudanaha ayaa carabka dhuftay in maadama dalka Kenya uu yahay wadan horumaray oo dastuur iyo dimuqaraadinimo ku faano anan la ogolaneynin in xadgudbyadan ay mar kale dhacaan.

Dhanka kale mudane Cabdullahi Diiriye ayaa ka dhawaajiyay  baaqay warbixintan lagu xusay oo ay hay’adda Human Rights Watch ujeedisay beesha caalamka.

Xadgudbyadan oo inta badan ciidamada amaanka lagu eedeyo oo iyagana ay iska fogeyaan ayaa caqabada hortaagan waxay tahay in  mararka qaar qofku unan garaneyn cidii uu ku wargelin lahaa ama uuba cabsado , mudanaha ayaan suaashan u bandhigay wuxuuna ku jawaabay.

Hadaba markii laga soot ago baaqyada loo jeediyay beesha caalamka, waa maxay taalabada ay qaadanayaan xildhibaanada gobolka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *